Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Labo Gabdhood oo Soomali ah oo lagu Dilay Canada

Wararka Naga soo gaaraya dalka Canada ayaa kusoo waramaya in meydka labo gabdhood oo Soomaaliyeed laga helay Magaalada Ottowa  ee dalka Canada .

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in labadaan Gabdhood oo la sheegaayo in ay ahaayeen walaalo in laga helay Meydkooda Gurigii ay ka deganayeen Magaalada Ottawa.

Kooxo hubeysan ayaa gurigooda ku dilay ka dibna Meydkooda ayay qariyeen  sida uu sheegay Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska dalka Canada.

Gabdhaha Meydkooda la helay ayaa lagu kala Magacabaa Nasiibo Cabdiraxmaan iyo sidoo kale Asmo Cabdiraxmaan.

Da’dooda ayaa lagu kala sheegay 23-Sano jir iyo 32 Sano jir.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay qabteen dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen dilka Gabdhahaasi Soomaaliyeed.

Exit mobile version