Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Laba Qof oo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish oo lagu xiray dalka Kenya

Laba nin oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, isla markaasina loogaga shakiyay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab iyo  kooxda Daacish  lagu xiray magaalada Meru ee dalka Kenya.

Taliyaha ciidanka boliiska degmada Meru  Samson Kinne, ayaa sheegay in dadka deegaanka iyo maamulka hotelka ay ka war heleen warbixin ku saabsan dadkaasi ajanabiga ahaa ee hotelka ku sugan isla markaasina ay xabsiga u taxaabeen.

Mid kamid ah labadani eedaysane ayuu taliyuhu sheegay in Passport kiisa uu sadex mar ku yimid dalkani Kenya, isla markaasina ay ku wareejiyeen boliiska argagaxiso la dirirka ee degmada Isiolo ee dalka Kenya.

“shacabka kunool degmada Meru waxay jecelyihiin nabada iyo hormarka sidaas darted ayey naga soo wargaliyeen dadka kalana waa in ay nagu soo wargaliyaan waxii ay kashakiyaan” ayuu yiri taliye Samson Kinne

Mohsin Max’ed, ayaa lagu qabtay Passport ka Imaaraadka Carabta, isagoo ay ciidanka amaanku ka qabteen hotel ku yaala magalaada Meru.

Mid kamid ah labadaasi eedaysane oo da,diisa lagu qiyaasay 65 sano ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa askari horay uga tirsanaan jiray ciidanka dowladda Imaaraadka Carabta.

Majiro wax war oo kasoo baxay dowladda Imaaraadka Carabta oo ay ugu hadashay muwadiniinteeda lagu xiray dalka Kenya.

Exit mobile version