Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Laba kun oo qof oo laga sii daayay dalka Suuriya

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya, ayaa sheegaya in laba kun oo qof oo degganaa magaalada Manbij, oo kooxda dowladda Islaamiga ay haysteen, haatan ay sii daayeen.

Ciidamada uu Maraykanku taageero ee u badan isbaheysi Kurdiyiin ah, ayaa sheegay in Jimcihii ay gebi ahaan la wareegeen gacan ku heynta magaaladaasi, laakiin aysan u suuragelin in ay bartilmaameedsadaan kooxda dowladda Islaamiga ah ee ka baxsanayay magaalada iyaga iyo dadkii la heytaha u ahaaba.

Waxaa loo maleynayaa in ay ku sii jeedaan magaalada ay kooxda heysato ee Jarabulus.

Ololaha lagu qabsanayay magaalada Manbij, ayaa la bilaabay dhamaadkii bisha May, iyaga oo kooxda Kurdiyiinta taageera ka helaya diyaaradaha Maraykanka, waana magaalo istaraataji ah oo ku taal waqooyiga Suuriya.

Exit mobile version