Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Laamaha Amniga Somalia oo baadi-goobaya maleeshiyaad dil geystay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad oo shalay gelinkii dambe ay dowladda Soomaaliya geysay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay baadi goobayaan maleeshiyaa dad ku dilay degmadaas.

Rag hubeysan ayaa shalay gelinkii hore rasaas ku furay Maqaaxi dad farabadan ay fadhiyeen oo ku taalla degmada Cabudwaaq, waxaana rasaastaas ku geeriyooday laba ruux oo aad looga yaqaanay degmada, iyada oo raggii falkaasi geystay ay baxsadeen.

Wararka laga helayo degmada Cabudwaaq ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Haramcad oo kaashanaya Ciidamada booliska ku sugan degmada Cabudwaaq ay Xaafadaha degmadaas iyo degaannada ku dhow dhow ay ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Galgaduud  Korneyl Dhagahoor ayaa  sheegay in Ciidamada aysan joojin doonin howlgalka ilaa iyo inta ay gacanta uga soo dhigayaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay labada Ruux ee Shacabka ahaa.

Dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ayaa horay waxaa ay uga dhaceen tuulooyin hoostaga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, waxaana jirtay heshiis la dhex-dhigay beelaha dagaalamay, wallow dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabtay.

Exit mobile version