Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Kulan u socdo Guddoomiyaha Aqalka Sare & Madasha Xisbiyada Qaran

Waxaa xilligaan hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) kulan uga socdaa mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka ayey mas’uuliyiintan uga arinsanayaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka ayagoo diiradda ku saaraya xal u helida arimaha doorashooyinka ee 2020-2021.

Marka la gaaro xilliyada kala-guur ah oo ay soo dhaw yihiin arrimaha la xiriira doorashooyinka ayaa waxaa dalka ka bilaawda kulamo iyo is xulafeysi siyaasadeed.

Wararka kusoo kordha kulanka kala socda www.Radiorisaala.com.

Exit mobile version