Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Kooxo hubeysan oo fal kufsi ah ka geystey Magaalada Garowe

Gabar da’deeda lagu sheegay 13 sano jir ayaa loogu kufsaday xero barakacayaal oo ku taalla duleedka magaalada Garoowe.

Rag hubaysan oo ku lebbisan tuutaha ciidamada ayaa saakay guriga ugu galay qoyska gabadha oo qoryo ku qabtay kadibna hortooda ku kufsaday gabadha yar.

Falkan ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Jiingadda oo ka tirsan xeryaha barakacayaasha dhinaca bari ee magaalada Garoowe siday ayWarbaahinta Risaala  u xaqiijiyeen joogayaal.

Waxay sidoo kale sheegeen in gabadha yar ee la kufsaday oo xaaladooda caafimaad liidato loola cararay isbitaal ku yaalla Garoowe oo hadda lagu dabiibayo.

Falalka Amni darro ee la hacaya Magaalada garowe ayaa so kordhaya mudooyinkii dambe waxaana sidoo kale halkaas maalmihii la soo dhaafay ku soo kordhay Kufsiga loo geysanayo caruurta  mana jirto ilaa hadda cid loo soo qabtay Kufsiga saakalay lagula kacay gabadha yar ee  qoyskooda ay degan yihiin xero bakac  oo ku taalla Magaalada Garowe ee Xaaidamada Maamulka Puntland .

Exit mobile version