Kooxo hubeysan ayaa xalay dil iyo dhaawac ka geystay degmooyinka Hodan iyo Boondheere ee Magaalada Muqdisho.
Dilka koowaad ayaa ka dhacay Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan, kadib markii dabley hubaysan ay toogteen nin Gudoomiye Waaxeed ka ahaa degmada Hodan.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ammaanka oo howlgallo ka sameeyay.
Sidoo kale waxaa dhaawac loogu geystay Degmada Boondheere, gaar ahaan Waaxda Yuusuf Kowneyn Sarkaal ka tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kordhay Weerarada ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

