Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xaalada Lionel Messi ee kooxda Barcelona ka hor inta aysan dalab macquul ah ka gudbin xagaaga soo aadan.
Kadib markii Eric Abidal uu bartilmaameedsaday ciyaartoy aan la magacaabin oo Barcelona ah, Messi wuxuu adeegsaday baraha bulshada isagoo dhaleeceeyay agaasimaha isboortiga kaasoo uu u sheegay inuu cadeeyo eedeymaha uu soo jedinayo.
Saraakiisha naadiga ayaa la sheegay inay jawaab ka bixiyeen arinkan iyagoo wacaya Abidal, kaasoo laga yaabo in shaqada la eryo si Messi uu ugu sii nagaado Camp Nou.
Sida laga soo xigtay the Evening Standard, City ayaa isku diyaarineysa inay dalab u gudbiso xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina hadii weeraryahanka uu muujiyo inuu doonayo inuu ka tago kooxda reer Catalan.
Messi ayaa horay ula soo shaqeeyay Pep Guardiola, halka sidoo kale la sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay madaxa fulinta City Ferran Soriano iyo agaasimaha kubada cagta Txiki Begiristain.
In kasta oo Messi uu qandaraas kula jiro kooxda Barcelona illaa iyo sanadka 2021 socan doono, waxaa la rumeysan yahay inuu awood u leeyahay inuu si xor ah uga tago dhamaadka xagaagan.

