Waxaa goor dhow soo idlaaday kullan xiiso badan oo u dhexeeyay kooxaha Arsenal iyo Burnley.
Gunners ayaa toddobaad guuldarrooyin ah ka dib kusoo laabatay waddada guulaha, ka dib markii ay galabta astureen Burnley.
Daqiiqaddii 14-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta waxaa goolka koowaad u dhaliyay Pierre-Emrik Aubameyang.
Isla Aubameyang ayaa dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 48-aad markii dib la isugu soo laabtay.
Burnely ayaa markeeda heshay gool rajo meel dheer ah geliyay, waxaana shabaqa cuskiyay Ashley Barnes daqiiqaddii 63-aad ee ciyaarta.
Dhammaadkii ciyaarta waxaa natiijada u xaqiijiyay Arsenal wiilkooda Alex Iwobi kaasoo daqiiqaddii 90-aad dhaliyay goolkii ugu dambeeyay.
Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay Arsenal oo 3-1 ku garaacday Burnley.

