Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Koox Hubeysan oo wali ka dagaallamaya Gudaha Wasaaradda Shaqadda

Koox hubeysan ayaa wali ka dagaallamaya gudaha Xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda ee Muqdisho.

Ciidanka sidda gaarka ah u tababar ayaa Kooxda hubeysan kula dagaallamaya Gudaha Wasaaradda,waxaana la sheegay in ku dhawaad 4 dagaallame oo Shabaab ka tirsan ay gudaha u galeen Wasaaradda.

Khasaare Ballaaran ayaa ka dhashay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo isugu jira dhimasho, Dhaawac iyo Burbur Hantiyadeed.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyadda iyo weerarka, waxaana ay sheegeen in ay guud ahaan la wareegeen xarunta Wasaaradda.

 

Exit mobile version