Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Khudbado laga dhageysanayo Musharaxiinta Aqalka Sare

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta KMG ee Aqalka Sare ka bilaabanaya Khudbadaha ay jeedinaya Musharaxiinta u tartameysa Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

16 Musharax ayaa u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

16 Musharax ayaa Saakay lagu wadaa in ay jeediyaan Khudbadahooda Musharaxnimo ee Tartanka Guddoonka Aqalka Sare.

Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso Munaasabadda Musharaxiintu ay Khudbada ku soo jeedineyaan ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Exit mobile version