Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare oo Maanta ka dhaceysa Kismaayo

Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboeedka ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa ay diiwaangelin doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Musharixiinta Maanta la diiwaangelin doona ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa 8 Xubnood, kuwaas oo ku tartami doona Afarta Kursi ee Jubbaland uga harsan 8 kursi uu  Maamulka Jubbaland ku leeyahay Aqalka Sare.

Musharixiinta Aqalka Sare ee Maanta la diiwaangelin doono oo 5 kamid ah Dumar yihiin ayaa waxaa Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Layla Nuux Maax
Xareedo Maxamed Sheekh

2:Tbrahim Awgaab Cismaan
Farxiya Macalim Cabdi

3: Maryan Faarax Kadiye
Samsam Maxamed Bishaar

4: Xasan Daahir Yarow
Cali Maxamed Cali

Maalinta Berito oo khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 21 Bisha Octoober ayaa waxaa la filayaa inay Magaalada Kismaayo ka dhacdo doorashada Afarta Kursi ee Aqalka sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

Exit mobile version