Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Khilaaf ka taagan safaarada Soomaaliya Magaalada Roma ee Talyaaniga

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa hareeyay khilaaf xooggan kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay u yeertay safiirkii Soomaaliya u fadhiyay C/raxmaan Sheekh Ciise.

Wasaaraddu waxay u magacawday Sii hayaha Xilka Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur, balse Safiirka ayaa ka horyimid go’aanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo ku dooday in xilka cusub ee loo magacaabay uu noqdo mid ka yimaada gudaha Safaaradda.

Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur, ayaa horay u soo noqday Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Lusaka, waxaana uu ka duulay Muqdisho dhamaadkii bishii March si uu ula wareego Safaaradda.

“Mar kasta oo aan aado fasax waxaa shaqadda safaarada sii maamuli jiray ku sime ka shaqeeya safaarada, haddana haddii lasoo magacaabayo ku sime cusub waa in uu noqdaa qof ka shaqeynayay safaarada”, ayaa laga soo xigtay Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Sida uu sheegay Ciise, Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur iyo laba nin oo la socday ayaa gudaha u galay dhismaha safaaradda. Kadib waxay u diideen safiirka iyo xubnaha shaqaalaha inay gudaha u galaan dhismaha.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saddexda xubnood ay ku jiraan gudaha safaaradda, waxaana danjire C/raxmaan Sheekh Ciise uu rajeynayaa inuu u yeero ciidamada ammaanka Talyaaniga Talaadada si ay u soo farageliyaan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya 28-kii March ayaa lagu sheegay in Danjire C/raxmaan Sheekh Ciise loogu yeeray wada tashi gudaha ah.

Exit mobile version