Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Kheyre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay dilka saddex qof oo lagu toogtay Deyniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii maanta ka dhacday xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile, halkaas oo uu sheegay in saddex qof oo shacab ah lagu dilay, halka kuwo kalena lagu dhaawacay.

 

Khayre ayaa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, isagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto, dhaawacyadana uu bogsiiyo.

Qoraal uu soo saaray ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay tallaabooyinka ciidamada dowladda ka wadaan xaafadaha degmada Deyniile, kuwaas oo uu ku tilmaamay dhulboob, burburin guryo iyo barakicin sharci-darro ah.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale sheegay in dadka la toogtay ay ahaayeen shacab dibadbax nabadeed kaga dhiidhinayay waxa uu ku tilmaamay barakicinta iyo burburinta guryahooda.

Dhanka kale, Khayre ayaa saraakiisha iyo askarta ciidamada ugu baaqay inay ka waantoobaan tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, isla markaana ay ilaaliyaan nolosha, karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Wuxuu intaas ku daray in ay iman doonto maalin lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd daadinta dhiigga shacabka, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in sharcigu sarreeyo.

Exit mobile version