Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu awood ciidan u adeegsanayo shacabka reer Hiiraan.
Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qaylo-dhaantii uu xalay jeediyay Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ay muujinayso halista ka dhalatay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo cambaareeyay dhaqdhaqaaqyada ciidamada dowladda ee ku wajahan magaalada Beledweyne.
Wuxuu sheegay in bulshada gobolka Hiiraan ay tabasho ka muujiyeen saami-qeybsiga dowladda, ayna shirar isugu yimaadeen si ay uga tashadaan aayahooda, balse halkii tabashooyinkooda wada-hadal looga jawaabi lahaa, uu sheegay in loo adeegsanayo awood ciidan.
Khayre ayaa xusay in shacabka Hiiraan ay door weyn ku lahaayeen kacdoonkii lagula dagaallamayay maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay in ciidamada dowladda ee la rabay inay taageeraan shacabka iyo dadaalladooda amni ay maanta isku dhacaan.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa digniin u diray saraakiisha iyo askarta Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ugu baaqay inaysan qeyb ka noqon dagaal sokeeye oo ka dhasha xiisadda Beledweyne.
Wuxuu xusuusiyay ciidamada in loo carbiyay difaaca qaranka iyo ilaalinta shacabka, ee aan loo dhisin inay fuliyaan amarro uu ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah ama lagu weerarayo dadkii ay ahayd inay difaacaan.
Ugu dambeyn, Xasan Cali Khayre ayaa askarta ugu baaqay inay ka fiirsadaan amar kasta oo keeni kara iska horimaad ay la galaan shacabka gobolka Hiiraan, isagoo ka digay in xaaladda taagan ay sii hurin karto colaado gudaha ah.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisadda Beledweyne ay sii xoogeysanayso, kaddib markii hoggaanka dhaqanka Xawaadle uu baaqyo u diray ciidamada dowladda ee beeshiisa kasoo jeeda, halka dhinacyada siyaasadeed ay isweydaarsanayaan eedeymo ku saabsan mas’uuliyadda xaaladda taagan.

