Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Qaax ismiidaamin oo Duhurbimadi maanta ka dacay degmada Xamar weyne
Qaraxa ayaa waxaa geystay Qof isku soo xiray walxaha qarxa kaas oo isku qarxiyay Maqaayada Alhindi oo ku taalla nawaaxyiga xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Inta la og yahay 3 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waxaa ku dhaawaxmeen qaraxa sida ay goob joogayaal u sheegeen Warbaahinta Risaala.
Dhinaca kale ‘ Taliska Ciidanka booliska aya ka warbixiyay qaraxii maanta ka dacay degmada Xamar Weyne.
Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha uu isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayadda Al-Hindi oo ku taalla degmada Xamar weyne xilli ay ku raad joogeen ciidamada ammaanka.
Sidoo kale , Booliska ayaa sheegay inay ku dhinteen 3 qof halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo goobta ka ag-dhawaa ayaa lagu yiei warka ka soo baxay Booliska .

