Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dagaal ka socda degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya dagaal ka socda degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose.

Dagaal ayaa u dhexeya laba Maleeshiyo Beeleed oo wada dega degmadaasi .

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uu uga socdo Xaafada Buula Siidow ee degmadaasi .

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana gabi ahaanba istaagay isku socodka Dadka iyo Gaadiidka.

Maamulka degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose ma uusan ka hadlin dagaalkaas.

Exit mobile version