Waxaa sii kordhaya Khasaaraha ka dhashay Qaraxii xoogganaa ee shalay Galab ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa Maanta Meydad badan iyo dad nool laga soo bixiyay dhismayaal ku yaal halkii uu Qaraxu ka dhacay.
Sidoo kale gaadiidka rayidka, gaar ahaan gaadiidka Bielka ayaa laga soo dhex saaray maydadka dad badan oo gubtay, kuwaasi oo xittaa aanan la aqoonsan karin wajiyadooda, maadaama si aad ah ay u gubteen dadka oo ay madoobaadeen.
Isbitaallada magaaladuna waxa ay weli la tacaalayaan dhiibaatada ballaaran ee ka dhalatay qaraxaasi, iyadoo aaggii uu ka dhacay qaraxa oo aheyd goob mashquul badan burburka hoostiisa tan iyo xalay laga soo saarayay maydad hor leh iyo kuwo dhaawac ah.
Kooxaha gurmadka ayaa weli ku mashquulsan sidii ay u soo badbaadin lahayeen dad laga cabsi qabo inay burburka dhismooyinka ku hoos jiraan.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen qaraxyadii shalay.
Inta badan isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyay dhawacyada soo gaarayay iyo eheladii booqanayay.
Isbitaallada ayaa dalbanaya in dadka ay dhiig ku deeqaan si loogu badbaadiyo dadka u baahan.
Ilaa iyo haatan lama oga tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday qaraxyadii shalay, hasayeeshee dadka ku dhintay waxa ay isugu jiraan rag, carruur, haween, dhaliyaro iyo dad da’ ah.

