Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wasiirka Waxbarashada ”Musuq maasuq kama jiro deeqaha waxbarasho”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ayaa ka hadashay eedeymaha loo jeedinayo Wasaaradda ee la xiriira in si aan cadaalad ahayn loo qeybiyo deeqaha Waxbarasho.

Waxay sidoo kale tilmaantay in ay ku dadaalaan mar walbo iney si siman u bixiyaan deeqaha waxbarasho isla markaana ay si cadaalad ah ugu qeybiyaan Ardayda Soomaaliyeed.

Khadra Bashiir wasiirka waxbarashada ayaa sidoo kale sheegtay in ay si siman ugu qeybiyaan Ardayda ku nool gobolka Banaadir iyo dhamaan gobolada dalka.

Waxay xustay in ay muhiim tahay in Wasaaradda lagu dhiira geliyo howsha adag oo ay heyso balse aan lagu eedayn sida ay tilmaantay waxyaabaha been abuurka ah.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/02/Wasiirka-Waxbarashada-Soomaaliya.mp3?_=1
Exit mobile version