Maamulka Koofur Galbeed ayaa war ka soo saaray duqeyn iyo howlgal culus oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kaas oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka.
Sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed, ciidamada ammaanka ayaa xalay abaare 10:00 habeenimo fuliyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay xarumo ku yaalla qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka duleedka Baydhabo.
Maamulka ayaa sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday saddex xarumood oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka, kuwaas oo la sheegay in lagu burburiyay hub iyo qalab ciidan oo ay halkaasi ku keydsanaayeen.
Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kale oo badan lagu dhaawacay.
“Waxaan shacabka reer Baydhabo la wadaageynaa jabkii habeenimadii xalay loo geystay Maleeshiyaadka Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed.
Maamulka ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanka ay weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka iyo sidii looga hortagi lahaa isku day kasta oo ay Al-Shabaab ku doonayaan inay dib ugu soo laabtaan goobihii la beegsaday.
Xogta ku saabsan khasaaraha iyo burburka ka dhashay duqeynta ayaa ah mid uu shaaciyay maamulka Koonfur Galbeed oo keliya, iyadoo aan weli la helin xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada dhimashada ama sawirro iyo muuqaallo muujinaya goobihii la duqeeyay.

