Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo culus oo dhowr jeer ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
War kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in dagaalladaas oo dhacay afar jeer lagu dilay ku dhowaad 60 dagaalyahan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa tuulooyin hoostaga deegaanka Leego.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay maleeshiyaadka Al-Shabaab gaarsiiyeen jab xooggan, isla markaana ay burburiyeen gaadiid dagaal oo ay adeegsanayeen dagaalyahannada kooxda.
Sidoo kale, war kasoo baxay dowladda Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in howlgallada milatari ay ahaayeen kuwo qorsheysan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada hoostaga Leego.
Dagaalladan ayaa qeyb ka ah howlgallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in meesha laga saaro fariisimaha iyo dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo bulshada ku boorrisay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana qeyb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada..

