Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Kenya oo xaqiijisay in Dacwadda badda lagu xalin doono qaab wada oggol ah

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo in arrinta dacwada Badda ee taal Maxkamadda ICJ lagu xallin doono qaab labada dhinacba ah oo la aqbali karo Sidda ay sheegtay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in qaabkaasi loo baahan yahay in aysan saameyn ku yeelan xiriirka labada dal.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Munica Juma ayaa sheegtay in muhiimadda ay tahay in labadda dal ay ku heshiiyaan qaab Wada ogol ah oo Muranka badda lagu xalin karo.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa soo qaadin Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ ,taas badalkeena waxay carabta ku adkeysay in arinta lagu heshiiyay in lagu xaliyo qaab wada ogol ah.

 

Exit mobile version