Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Kenya oo sheegtay in aysan xireyn xerada Dhadhaab

Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan xiri doonin xerada Dhadhaab ee Dalka Kenya oo ay ku jiraan Kumanaan Qaxooti ah.

Maxamed Cabdi Afeey oo ah Wakiilka Qaramada Midoobey ee Qaxootiga Soomaaliya oo dhowaan booqday xerada Dhadhaab ayaa sheegay in si qasab ah aan lagu celin doonin Qaxootiga Dhadhaab.

Waxa uu sheegay in aysan waxb ka ajirin, sidoo kalena ay yihiin been abuur wararka sheegaya Bishan November Dowladda Kenya in ay xireyso xerada Dhadhaab.

Mwenda Njoka Afhayeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya oo warbaahinta Kenya la hadlay ayaa cod dheer ku sheegay Dowladda Kenya in aysan si qasab ah ku xiri doonin xerada Dhadhaab.

Waxa uu sheegay Dowladda Kenya in ay tixgelineyso heshiiskii dhexmaray Dowladda Soomaaliya, Dowladda Kenya iyo Hay’adda UNHCR, isagoo sidoo kale sheegay Dowladda Kenya in ay mar walba caawiso Qaxootiga Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in dhamaadka Bishan November ay xiri doonto xerada Dhadhaab, xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa walaac badan ka muujinayay Hay’adaha gar gaarka iyo Dadka Qaxootiga ah.

Exit mobile version