Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Kacdoon xooggan oo durba wajahaya hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Shuluq.

Kacdoon iyo diidmo xooggan ayaa durba ku billowday hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan Shuluq, tan iyo markii loo doortay hoggaanka maamulkaasi, iyadoo xiisado siyaasadeed iyo kuwo beeleed ay kasoo baxayaan deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

Tallaabadan ayaa la filayaa inay culeys siyaasadeed ku yeelato Liibaan Shuluq, xilli uusan weli si buuxda u bilaabin shaqada hoggaamineed ee maamulka Galmudug.

 

Dhacdooyinka ugu dambeeyay ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada Macawiisleyda beesha Habar Aji ay kasoo baxeen mid ka mid ah furimihii ay ku sugnaayeen, iyagoo gudaha u soo galay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

Ciidamadan ayaa hore digniin adag ugu diray Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyagoo uga digay inuu masiirka beesha kala heshiiyo shaqsiyaad gaar ah oo ay sheegeen inay leeyihiin dano u gaar ah, balse aan matalin rabitaanka guud ee beesha.

 

Sidoo kale, ciidamada ayaa cabasho xooggan ka muujiyay qaabka loo maareynayo kursiga wasiirka ee beesha Habar Aji, iyagoo sheegay in odayaasha uu madaxweynuhu la kulmay iyo shaqsiga la doonayo in loo magacaabo xilkaasi aysan matalin rabitaanka guud ee beesha, isla markaana aan lagala tashan go’aanka magacaabista.

 

Waxay ku doodeen in aan la aqbali karin in go’aan ku saabsan matalaadda beesha lagu gaaro wada-tashi aan loo dhammayn, ayna lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo rabitaanka iyo aragtida guud ee bulshada ay khuseyso.

 

Dhanka kale, ciidamada Macawiisleyda ayaa Madaxweynaha Galmudug ugu baaqay inuu si degdeg ah xal uga gaaro cabashadooda, iyagoo ka digay in haddii aan saacadaha soo socda wax laga qaban arrintan, mas’uuliyadda wixii ka dhasha ay saaran tahay hoggaanka maamulka.

 

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli Liibaan Shuluq uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo la xiriira dhismaha maamulka cusub, waxaana weli la sugayaa sida uu uga falcelin doono cabashada ciidamada iyo dalabka ay soo jeediyeen.

 

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Galmudug oo si faahfaahsan uga jawaabaya eedeymaha iyo digniinta ay jeediyeen ciidamada Macawiisleyda beesha Habar Aji.

Exit mobile version