Macalinka kooxda Manchester City Guardiola ayaa ah xaqiiqda marka laga hadlo ‘’Special One’’ waxaana uu magacaa kaga mudanyahay hogaamiyaha kooxda Mancehster United Jose Mourinho, Kabtankii hore ee United Roy Keane ayaa sidaa sheegay.
Halyeeygii hore ee kooxda Barcelona ayaa badiyey kulankiisa todobaad tan iyo markii uusoo caga dhigtay garoonka Etihad , waxaana guushii ugu dambeeysey uu 4-0 ku garaacay kooxda Borussia Monchengladbach ciyaar ka tirsaneeyd Champions League.
Mourinho ayaa can ku ah magaca ama naaneeysta ‘’Special One’’ waxaana uu magacaa baxsaday markii uu kusoo laabtay Chelsea sanadkii 2014, laakiin hada in magacaas loo aqoonsado Mourinho waxaa diidan Roy Keane.
‘’Labada Macalin eek u sugan Magaalada Manchester, Mourinho ayaa loo yaqaanaa Secial One ,laakiin aniga ahaan MAYA, ‘’Special One waa Guardiola’’ ayuu Roy Keane u sheegay ITV.
‘’Waxaan aragnay Manchester City oo ku bilaabaneysa qaab wanaagsan,waayo waxaa ay heeystaan Guardiola.
Qaabka uu hada u shaqeeynayo Guardiola waxaa la dhacsan Kabtankii hore ee kooxda Manchester United Roy Keane.
