Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Juventus oo ku dhow Saxiixa Didier Drogba-ha cusub ee Kubadda Cagta

Michy BatshuayiJuventus ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhow dahay inay dalab furitaan ah oo 23 milyan oo ginni ah ka gudbiso bartilmaameedka kooxaha Tottenham iyo West Ham United Michy Batshuayi.

Kooxda ka dhisan Turin ayaa isha ku heysa inay dhammeystirto heshiiska gooldhaliyahaan si ay bedel uga dhigto Alvaro Morata oo dib ugu laabtay kooxdii uu kusoo barbaaray ee Real Madrid.

Juventus ayaa 23 milyan oo ginni ka heli doonta iibka Morata waxaana la filayaa inay lacagtaas si toos ah ugu gudbiso kooxda dhibaatada dhaqaale xumo la daalaadheceysa ee Marseille si ay ugu soo wareejiso weeraryahan Batshuayi.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Talyaaniga ah Tuttosport ayaa caddeynaya inay kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 qiimo lacageed intaas ka badan ku dooneyso Batshuayi. Warbixintaan ayaana sheegeysa in Marseille xiddigaan oo 17 gool ka dhalyey horyaalka France xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ay ku fasixi doonto keliya 29.3 milyan oo ginno oo u dhiganta 38 milyan oo euros.

Exit mobile version