Jurgen Klopp ayaa sheegay in Liverpool ay tahay in ay isticmaalaan (“xooga” 8,000) ee taageerayaasha dheeraadka ah ee lagu kordhiyay garoonka Reds marka ay wajahayaan kooxda heysata horyaalka Premier League ee Leicester.
Liverpool ayaa kulankoodii ugu horeyay ee garoonkeeda xilli ciyaareedkaan waxay ay ku wajaheysa kooxda Horyaalka difaacaneysa kadib markii ballaarin kooban lagu sameeyay Anfield.
Garoonka ayaa hore wuxuu u qaadi jiray 54.074, lakiin Klopp ayaa rajeynaya inay awood siiso kooxdiisa taageerada dheeraad ah marka ay soo dhaweynayaan kooxda Claudio Ranieri Isbuucaan.
“Waa arrin cajiib ah, shaqo fiican, Waxaan wax fikrad ah qofna ka heysan awooda taageerayaasheena, Waa arrin la yaab leh,” ayuu yiri Klopp.
“Waxa ay yihiin kuwa ugu wanaagsan halkaan, laakiin hadda waxaan dhihi karaa xilli ciyaareed kale ayuu noo noqon doonaa marka kulanka ugu horeeya gurigeena aan helno 8,000 ka badan oo taageerayaal ah, waa in aan isticmaalnaa awoodooda.
Anfield’s main stand has been expanded to hold over 8,000 more supporters
Liverpool ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedkan cusub Premier League qaab fashion ah, iyadoo aan la saadaalin karin halka ay ku dhameysan karto, kadib markii furitaanka xilli ciyaareedka 4-3 guul ah ka gaartay Arsenal oo kusugan Emirates lakiin kulankii ku xigayb ayay qasaaro kala kulmeen kooxda Burnley.
Liverpool ayaa kusoo kabsatay 5-0 guul ah oo ay ka gaareen kooxda yar ee Burton kulan katirsanaa EFL Cup ka hor inta yasan 1-1 la galin kooxda Spurs oo ku ciyaareysay White Hart Lane.
