Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Jubbaland, Maxamed Sayid Aadan, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu dalka geliyay xaalad khatar ah, isla markaana uu wiiqayo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
Maxamed Sayid Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo khatar weyn, isagoo ku dooday in tallaabooyinka siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay horseedi karaan kala fogaansho iyo burbur ku yimaada dowladnimada dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu kala qeybinayo bulshada Soomaaliyeed, halkii laga filayay inuu mideeyo shacabka, xoojiyo wadajirka dowladnimada, isla markaana uu abuuro jawi siyaasadeed oo ay dhinacyadu ku wada shaqeyn karaan.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo isku haya arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo hannaanka awood-qaybsiga dalka.
Eedeymaha Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa muujinaya sida ay u sii kala fogaanayaan Villa Soomaaliya iyo hoggaanka Jubbaland, iyadoo weli aan xal laga gaarin khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
Maxamed Sayid Aadan ayaa hadalkiisa ku muujiyay walaaca Jubbaland ka qabto jihada siyaasadeed ee dalka, isaga oo mas’uuliyadda xaaladda taagan dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh.

