Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Jubbaland oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay inuu hurinayo Xiisada Gedo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ay ku geeriyoodeen askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka Jubbaland.

Qoraalka kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Amniga Gobolka Gedo Cabdirashiid Janan, iyadoo lagu sheegay inay mas’uul ka yihiin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Sidoo kale, Jubbaland waxay ku sheegtay warsaxaafadeedka in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe lagu doonayo in lagu wiiqo ama lagu burburiyo maamulka Jubbaland.

Exit mobile version