Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Jubbaland oo ka hadashay Dib u dhaca Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa labo jeer dib u dhigay xilligii Doorashada la qaban lahaa, waxaana jira walaac laga muujiyay dib u dhacan.

Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii xafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaliya uu muujiyay in uu ka walaacsan yahay dib u dhaca xilliga Doorashooyinka.

Xubnihii Aqalka Sare ee Senate-ka ee ay ahayd in ay soo gudbiyaan Maamul Goboleedyada ayaa ugu horreeya Doorashooyinka la qaban doono.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyaya BBC-da ayaa sheegay in walaac ka ka qabaan Dib u dhaca markale ku yimid Doorashada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay aad ugu diyaar garoobeen Doorashooyinka.

Exit mobile version