Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Jose Mourinho Oo Dhacdadii Ugu Xumeyd Ku Sameeyay Xalay Juan Mata

Jose Mourinho ayaa lagu eedeeyay in uu ceeb kala kulmayo keydka uu ku hayo Juan Mata kadib markii ciyaaryahanka uu bedelay kusoo galay ciyaartii Manchester United Community Shield kaga badiyeen Leicester City.

Ciyaaryahankii khadka dhexe ee hore ee England ugu soo ciyaaray Danny Murphy, ayaa qaba in ceeb ay ku tahay Mourinho waqtigaan in uuu arki waayo awooda uu leeyahay Mata.

Mata ayaa kaliya ciyaaray 30 daqiiqo ka dib markii uu bedel ku soo galay qeybtii labaad ee ciyaarta oo 2-1 ku badisay kooxdiisa Wembley, lakiin waqtigii dhimashada ayaa loo taagay markale bedel tasoo layaab ku noqtay taageerayaasha.

Ciyaarta ka dib, Mourinho, ayaa sheega in ninka reer Spain uu yahay ciyaaaryahanwanaagsan, lakiin sababta uu u bedelay ay aheyd in uu waqtiga ciyaara dilo.

Mata, waxa uu ahaa ninka ugu gaaban garoonka, kooxdeyda waxaa jiray kubado dhaadheer oo ay la kulmeysay, sidaas darteet waxaan qaaatay go’aan aan ogaa in uusan ku farxi karin qofkasta ayuu yiri Mourinho.

Murphy ayaa aaminsan in lahaa Mata kusoo bilaabashada ciyaartan, isagoo u sheegay BBC Sport: “ma samayn wixii loo baahnaa Mourinho, waayo waxa uu keydka ku hayay xiddigii ugu muhiimsanaa kooxdiisa,

Mourinho ayaa dhowr jeer oo hore ka hadlay arimaha Mata, waxaana uu umuuqda mid aan ku qanacsaneyn qaab ciaareedka ninka ree Spain.

“Taariikhdii hore ee Chelsea uusan ugu ceeboobin taageerayaasha Manchester United ee jecel Mata ayuu hadalkiisa ku daray Falanqeeyahan lagu magcaaabo  Danny Murphy.

Exit mobile version