Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Jose Mourinho oo Amar Ku Bixiyay In January Lasoo Iibiyo Labo Xiddig- Waa Kuwee?

Manchester United ayaa isku diyaarineysa qorshe lacag weyn ah oo ay kusoo qaadaneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham Dimitri Payet sida laga soo xigtay Sunday People.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu ku daro kooxdiisa kubad abuure sare bisha janaayo waxaana isha uu ku hayaa ciyaaryahanka caalamiga ah ee dalka France.

Laakiin West Ham ayaa u muuqata koox aan si fudud ku dhiibi doonin ciyaaryahankooda bisha Janaayo.

Mourinho ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in wakiilo loo diro ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara kooxda Atletico Madrid Yannick Ferreira Carrasco si ay loo xaqiijiyio saxiixiisa Bisha Janaayo.

Manchester United oo kujirta haatan kaalinta lixaad ee kala sareynta Horyaalka ayaa soo dhaweyn doonta caawa kooxda West Ham.

 

Exit mobile version