Site icon Radio Risaala: Somali News Online

John Terry oo xaqiijiyay in uu maqnaanayo kulanka PSG

John Terry, kabtanka Chelsea ayaa xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka lugta 2-aad Champions League-ga ee ay habeen dambe kooxdiisa garoonka Stamford Bridge kula ballansan tahay Paris Saint-Germain.

Bartiisa Instagram ayuu kusoo qoray : ” Waxaana ka xumahay inaan seego doono kulanka PSG game. Waa arrin i murug-gelisay, waayo waa kulan weyn oo ay aheyd inaan safto, wayna i dhaawaceysa inaan qeyb ka aheyn”.

” Si walbo ayaan issugu dayay inaan kasoo kabto dhaawaca,laakiin waan ku guul-darreystay, waxaanse rajeynaa inaan dhowaan dib u soo laaban doono”.

Chelsea oo lugtii hore looga soo badiyay 2-0 ayaa kulan dhimasho ah habeen dambe London kula dheeli doonto PSG.

Exit mobile version