Site icon Radio Risaala: Somali News Online

John Terry oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga fariisto ciyaarta kubadda cagta

Captain-kii hore ee Chelsea, John Terry kaasoo aan koox u ciyaarin tan iyo markii uu qandaraaskiisa Aston Villa idlaaday xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaarta kubadda cagta.

Terry oo hadda 37 jir ah ayaa bartiisa Instagram-ka ku soo qoray “ka dib 23 sano oo cajiib ah oo aan ahaa ciyaaryahan. Waxaan go’aansaday hadda inay tahay xilligii ku habboonaa ee aan ka fariisan lahaa ciyaarta kubadda cagta.”

Difaacii England u saftay 78-da kullan ayaa Chelsea isaga dhaqaaqay 2017 ka dib sanooyin badan oo uu ku qaatay Galbeedka London.

Xilligiisii Stamford Bridge waxa uu hantay Shan jeer horyaalka Premier League-ga iyo Shan FA Cup oo lagu daray hal jeer oo tartanka Champions League-ga ah.

Difaacii hore ee Ingiriiska ayaa sidoo kale Shan mar League Cup kula guuleystay iyo UEFA Europe League isagoo in ka badan 700 kullan u ciyaaray Blues.

Xilli ciyaareedkii 2017/18 ayuu Aston Villa kala qayb qaatay Champion Ship-ka, waxaana ciyaartii Play-Off-ka loogu soo baxayay Premier League ay qasaaro 1-0 kooxdiisa kasoo gaartay Fulham.

Terry ayaa Villa Park isaga dhaqaaqay markii uu dhammaaday qandaraaskiisii halka sano, waxaana uu iska diiday u ciyaarista kooxda reer Russia ee Spartak Moscow isagoo tilmaamay inaysan qoyskiisa u wanaagsanayn halkaas.

Exit mobile version