Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Javier Mascherano ayaa waxaa uu ka hadlay xiisaha ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee Bravo kaasi oo la hadalhaayo wax badan inuu ku biirayo kooxda City.
Argentine xidiga u dhashay ayaa waxaa uu sheegay inuu fahmikaro sababta uu Bravo u xiiseynayo kooxda Manchester City ,” Waan fahmikaraa haddii Bravo uu ka tago kooxda waxaa uu ku biiridoonaa kooxda City.
Majalada Goal.com ayaa waxay fahansantahay in Guardiola uu ku dhowaanayo saxiixa ciyaaryahankaan kaasi oo macquul ah inuu noqdo bedelka goolhaaye Joe Hart.
”Marka hore anaga waxba kalama socono arintaasi, mana naqaan haddii ay run yihiin iyo haddii ay been yihiin,”’ ayuu xidigaan sheegay.
”Waxaan u rajeeynayaa inuu sii joogidoono kooxda , laakiin waan fahmidoonaa haddii uu ka tagayo kooxda iyo haddii uu sii joogidoono.
Manchester City ayaa la fahansanyahay inay lumineyso mid kamid ah xidigaha ugu muhiimsan waliba Hart waa lagu ambaareynayaa sida uu ula dhaqmayo Guardiola.
