Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allah u naxariiste Caydaruus Cumar Faarax ayaa laga helay saakay Jasiirada Tromso ee waqooyiga dalka Norway.
Caydaruus Cumar Faarax ayaa la sheegaya in uu ka mid ahaa taksiilayaasha ka shaqeysta Jasiirada Tromso ee dalka Norway.
Taliyaha qeybta Booliska Jasiirada Tromso ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay wadaan baaritaano ku aadan sababaha loo dilay Caydaruus oo muddo dheer kunoolaa dalka Norway.
Soomaalida kunool dalka Norway sheegay in aan la aqoon cida dishay muwaadin Soomaaliyeed , islamarkaana ay ka war sugaayaan baaritaanada Ciidanka Booliska.
Jasiirada Tromso oo ku taalla Waqooyiga Norway ayaa waxaa kunool Soomaali badan , kuwaa soo qaarkood ay muddo dheer joogeen.
