Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Itoobiya oo Masar iyo Eritaria ku eedaysay rabshadaha waddanka ka socda

Ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay inay u isticmaaleen xoog badan dadka mudaaharaadaya

Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar iyo Eritrea inay qayb ka qaateen rabshadihii ka dhacay waddanka, oo lagu soo rogay xaalad degdeg ah Axadii.

Wasiirka warfaafinta Getachew Reda, ayaa sheegay in dad shisheeye ay hubaynayaan, tababarayaan ayna lacag siinayaan kooxaha mucaaradka, inkastoo aysan si rasmi ah uga haysan taageero dowladahooda.

Kooxaha xuquuqda bini’aadanka ayaa sheegay in boqolaal qof ay ku dhinteen mudaaharaadyo socday bilo oo looga soo horjeeday dowladda.

Kooxo ka tirsan Oromo iyo Amhara oo smayanaya mudaaharaadka ayaa sheegay inaysan qayb ku lahayn siyaadada iyo dhaqaalaha.

Exit mobile version