Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Itoobiya oo ku dhawaaqday Xabad joojin ku saabsan dagaalka Tigray

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa xabbad joojin hal dhinac ah oo maanta dhaqan galeysa uga dhawaaqday Tigray, sida ay sheegty warbaahinta dowladda.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa si joogto ah uga soo horjeesaneysay baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta bani’aadannimo.

Jabhada Tigree ee ka dagaalanta dalka Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in ay dib u qabsatay magaalada Mekelle oo ah Caasimada Tegree.

Itoobiya ayaa u muuqato in ay gashay marxalad cusub kadib markii ay xoogeesteen dagaalada ka socda dalkaas.

Exit mobile version