Taliyaha Ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay diyaar garowga guuto ka tirsan militariga oo loo dhammeystiray agabka militari, kuwaaso ka mid noqonaya ciidanka kaydka bariga Afrika , si ay u fuliyaan howlgallada gobolka iyo goobaha loo baahanyahay in faragelin lagu sameeyo , si looga fuliyo howlgallo xasillin ah.
Wuxuu sheegay tallaabadan inay ka marqaati kacayso sida ay Itoobiya uga go’antahay fulinta hiigsigeeda in xasillooni waarta ka dhacdo gobolka Bariga Afrika.
Ciidanka kaydka dalalka Bariga Afrika ee loo diyaariyay howlgallada deg deg ah ayaa qayb ka ah illaa shan ciidan oo kayd ah oo ururka Midowga Afrika uu go’aamiyay in la dhiso , kuwaaso la siiyay awood ay ku farageliyaan xaaladda ammaan ee wax u dhimaysa xasilloonida dalalka Afrika , si markiiba loo geeyo ciidamo, haddii ay dal ka tirsan qaaradda soo wajahdo xaalad ammaan.
Ciidanka kaydka bariga Afrika ayaa ka kooban dhammaan dalalka Afrika, iyadoo loo qaybiyay hab heer gobol ah.

