Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Israa’iil oo isu diyaarinaysa duullaan xagga dhulka ah

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxa ay Israa’iil tilmaamtay in loo diyaar garoobay weerar dhinaca dhulka ah oo lagu soo qaadayo Qasa si loo afjaro doono milatariga Xamaas ee Qaza.

Israa’iil ayaa dagaalkaas u diyaarisay 300,000 oo askari oo kuwa kaydka ah kuwaas oo la soo dhoobay daanta kale ee Marinka Gaza. Taangiyo, Madaafiic iyo Kumanaan Askari oo hubaysan ayaa sidoo kale la soo ururiyay.

Ciidamada Cirka iyo kuwa badda ee Israel ayaa si weyn u duqeeya goob kasta oo suurtagal ah oo ay ku dhuumaalaysan karaan Xamaas iyo ururka Jihaad Islaami ee Falastiin, kuwaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen tiro badan oo rayid ah oo ay ku jiraan saraakiil Xamaas ka tirsan.

Qarax ka dhacay isbitaal ku yaal Gaza Talaadadii, oo ay labada dhinac midna midka kale ku eedeeynaya, ayaa sii huriyay xiisadda gobolka.

Exit mobile version