Israa’iil ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u diri doonto tuulo ku taalla Daanta Galbeed, halkaas oo degganayaal Yuhuud ah ay tan iyo Axaddii laba qoys oo Falastiiniyiin ah ku xannibeen guryahooda.
Waxaa la baahiyay muuqaal muujinaya kooxdii ugu horreysay ee askarta Israel ee goobta gashay, kuwaas oo lagu arkayay iyagoo la tukanaya degganayaasha Yuhuudda ah ee xagjirka ah.
Ciidamo amni oo dheeraad ah ayaa goobta loo diray, waxayna meesha ka qaadeen teendho halkaas laga dhisay. Hase yeeshee, ciidamadu waxay goobta ka baxeen kaddib markii ay isku dhacyo dhaceen, waxaana degganayaashii dib ugu soo laabteen goobta.
Qoysaska Falastiiniyiinta ah ee ku nool tuulada Qasra, oo koonfur ka xigta Nablus, ayaa sheegay in laga jaray biyihii iyo korontadii, isla markaana ay si tartiib tartiib ah u wajahayaan cunto yari.
Sida uu qabo sharciga caalamiga ah, dhammaan deegaannada Yuhuudda ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto waa sharci-darro.

