Fatahaada wabiga Shabeelle ayaa saameeysay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxaana go’ay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo biyaha ay wadadu ka gooyeen buundada Warmaxan waxaana kala go,an isu socodka bulshada.
Fatahaadan ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimaad daro dadka ku nool deegaanada shabeellaha hoose waxaana ay wajahayaan gaajo macluul iyo cuduro kala duwan oo ay sabanbeen fatahaadaha webiga.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta QDowladda ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro isla markaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay Fatahaada.
Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo baydhabo ayaa markii hore waxaa ka jiray dhibaatooyin dhanka Amniga ah, balse ay haatan soo korortay in fatahaada Wabiga ay jaraan Buunadad Tuulada warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

