Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar toos ah uu wali ka socdo Hotelka Naasa hablood 1 oo ku yaala isgoyska KM4 ee magaalada Muqdsho.
Qarax xoogan ayaa lagu dhuftay Albaabka hore Hotelka Naasa Hablood 1 waxaana la sheegaya intaas ka dib in ay gudaha u galeen dableey Hubeysan.
Dableyda hubeysan ee gudaha hotelka gashay ayaa lagu qiyaasay 3-4 ruux oo aad u hubeysan, waxaana markii gudaha u galeen hotelka si aad ah isaga caabiyay ilaalada hotelka.
Gudaha Hotelka ayaa la sheegaya in ay ka dhacaayaan rasaas xoogan oo ay ridayan kooxihii gudaha u galay Hotelka Naasa Hablood 1
Sidoo kale waxaa la sheegaya in ay burbureen goobihii ganacsiga ee ka agdhawaa hotelka .
waxaa sidoo kale gubanaysa kaalin shidaal oo la sheegay in ay ka soo horjeedo hoteelka Naaso Hablood 1.
Warar kale ayaa sheegaya in qarax labaad laga maqlay meelo ku dhow hotelka.
Ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxayna ku howlanyihiin soo afjarida weerarka.
Warar hor u dhac ah oo ay heshay idaacadda Risaala ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 meydkood laga qaaday Afaafta Hore ee hotelka Naasa Hablood 1.
Sidoo kale wararka hor udhaca ayaa sheegaya in qaraxii labaad u sababay khasaaro farabadan oo aan wali la ogaan tiradooda dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.
Qof ka mid ah Shaqaalaha isbitaalka Madiina ayaa Risaala u sheegay in isbitaalka la keenay dhaawacyo kor u dhaafaya 10 qof.
Wararka ayaa sheegaya in dadka dhaawaca ay isku jiraan dadkii shacabka ahaa goobta maarayey iyo sidoo kale ilaaladii hotelka Naasa hablood.
