Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay saaka soo saareen ku sheegay, in ay “beegsadeen oo burburiyeen” raadaar digniinaha hore bixiya oo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin dalka Baxreyn. Weerarkan ayay ku sheegeen inuu jawaab u yahay duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay deegaanka Sirik.
Bayaanka ay soo saareen, IRGC waxay ku yiraahdeen “Tani waa digniin adag oo loo dirayo cadowga, si uu u joojiyo falalka uu cirka ka fulinayo ee kicinta ah, iyo isku dayada uu shidaalka si sharci-darro ah ugu marinayo marin-biyoodka Hormuz.”
“ haddii xadgudubyada xuduudaha iyo gardarradaasi ay soo noqdaan, ciidamada cirka ee IRGC waxay diyaar u yihiin iska horimaad aan xad lahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Saacad ka hor inta aan bayaanka la soo saarin, warbaahinta Iiraan ayaa baahisay warar ku saabsan duqeyn cirka ah oo ka dhacday deegaanka Sirik.
Markii dambe, ciidamada IRGC ayaa xaqiijiyay weerarka, iyagoo sheegay in munaarad isgaarsiineed oo ku taalla deegaankaas, oo u dhow xeebta Gacanka Faaris, ay ka mid ahayd goobihii la beegsaday.

