Millateriga dalka Iiraan ayaa waxaa ay Axada Maanta ah shaaciyeen inay ku guuleysteen tijaabadii ay ku sameeyeen Gantaalka laga tuuro Markabka Badda Quusa ee loo yaqaano Gujiska.
Markabka Gujisa ee laga tuuray Gantaalka ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Qadiir,waxaana Warbaahinta Iiraan ay tebisay in tijaabadaas ay daba socdeen dhuulatus ay maalintii Saddexaad sameynayeen Ciidamada Badda ee dowladda Iiraan.
Sidoo kale lama shaacin masaafada uu gaarsiisan yahay markankas ay tijaabiyeem,balse Wabsite-ka presstv ayaa Maanta daabacay in Gantaalkaas ay Millateriga Iiraan ku guuleysteen tijaabintiisa.

