Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa taleefanno kala duwan kula hadlay dhiggiisa Cumaan iyo Masar, iyagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo dadaallada lagu yareynayo xiisadaha.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa sheegtay in Araqchi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Badr Busaidi ay ka wada hadleen “xaaladaha ku habboon ee dib loogu bilaabi karo wadaxaajoodyada”, iyo sidoo kale xaaladda la xiriirta maraakiibta isaga kala goosha Marinka Hormuz.
Cumaan ayaa bilihii u dambeeyay door muhiim ah ka ciyaaray dhexdhexaadinta wadaxaajoodyada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka. Wadaxaajoodyada labada dal ayaa hadda hakad ku jira.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa sidoo kale taleefan kula hadlay dhiggiisa Masar, Badr Abdel Ati, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Gacanka Faaris iyo Badda Cas, iyo dadaalladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo xiisadaha gobolka.
Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezzekian uu mar kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la soo afjaro xaaladda “dagaal iyo nabad midna ahayn”, isagoo sheegay in dhibaatooyinka lagu xallin karo wadaxaajood “awood leh, balse caqli iyo garasho ku dhisan.”

