Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO:- Idaacadda Risaala oo ciidsiisay Afar Boqol oo Qoys “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Wajigii Afaraad ee Barnaamijka Afuri ooh el laba Ajar, ayaa maanta waxaa lagu ciidsiiyay qoysas gaaraya Afar boqol (400) oo qoys, kuwaasi oo ku nool Xerada weyn ee Barakacayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dhaqaalaha lagu ciidsiiyay caruurtaan, ayaa waxaa iska soo aruuriyay dhageystayaasha Idaacada Risaala oo bixiyay Nus Doolar illaa Hal doolar, iyadoo lacagtaasi oo la isku daray ay noqotay mid lagu ciidsiiyay Afar boqol oo Qoys.

Laba boqol oo qoys ayaa la siiyay lacag gaareysa Min 300 oo Shilin Somali ah qoys kasta, halka laba boqol oo kale qoys loo qaybiyay dhar ay soo aruuriyeen dhageystayaasha Idaacada Risaala oo ay keeneen xarunta Idaacada Risaala.

Agaasimaha Idaacada Risaala Ustaad Maxamed Cabdi Wahaab C/laahi, ayaa sheegay tan iyo markii la bilaabay Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajar in la soo aruuriyay lacag dhan $7255 doolar, waxaana loo kala qaybiyay sidan

Wajigaad Koowaad Afurinta ayaa la siiyay qoysas gaaraya 50 Qoys, waxaana ku baxay lacag dhan $1200 oo doolar,lacagtaasi ayaa lagu iibiyay raashin Isugu jira Bur, Bariis, Saliid iyo Timir.

Wajiga labaad ee Barnaamijka ayaa isna lagu afuriyay qoysas gaaraya 70 qoys, waxaana ku baxay $1610.

Wajiga saddexaad ayaa waxaa lagu afuriyay qoysas gaaraya 80 qoys lacagta ku baxday ayaa gaaraysa $1845.

Wajigii ugu dambeeyay oo ahaa kii afaraad ayaa waxaa lacag ahaan loogu qaybiyay laba boqol oo qoys oo qoys kasta la siiyay 300 oo Shilin Somali ah, lacagta guud ee Wajiga Afaraad ku baxday ayaa gaaraysay $2600.

Guud ahaan lacagta laga aruuriyay dhageystayaasha Idaacada Risaala ayaa gaaraysa $7255, waxaana anfaacsaday 600 oo qoys oo laba boqol ka mid ah ay Afur buuxa ku heleen, halka 400 Boqolna ciid ay ku heleen.

Dadkii loo qaybiyay dharka ciida ayaa aad uga mahadceliyay, waxayna sheegeen inay tahay arintaan mid farxadeed, iyaga oo aad ugu mahadceliyay Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacada Risaala oo howshaan iska howlay.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil, ayaa sheegay in tallaabo wanaagsan ay tahay hawsha ay qabatay Idaacada Risaala, wuxuuna ku booriyay Warbaahinta inay ku daydaan wadada Risaala ay qaaday.

Waxa uu sheegay dhageystayaasha Idaacada Risaala inuu aad ugu mahadcelinaayo, maadaama ay iska soo aruuriyeen lacagta dadkaan tabaaleysan lagu afuriyay, laguna ciidsiiyay.

Idaacada Risaala ayaanan aheyn markii ugu horeysay oo ay caawiso dadka masaakiinta ah, waxaa la xusuustaa Soonkii aan soo dhaafnay in Idaacada Indhaha ay ufiiqday in ka badan 100 ruux oo araga la’aa, kuwaasi oo lacagta indhaha loogu fiiqay laga soo aruuriyay Dhageystayaasha Idaacada Risaala.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/06/Warbixin-Afuri-oo-hel-laba-Ajar.mp3?_=1

 

 

Exit mobile version