Hugo Lloris Oo Qandaraas Cusub U Saxiixay Kooxdiisa Tottenham
admin
Goolhaye Hugo Lloris ayaa saxiixay heshiis cusub oo uu kooxda Tottenham Hotspur kula joogayo ilaa 2022.
29-sano jirkaan kabtanka u ah kooxda Spurs, ayaa 151 kulan u saftay Premier League kooxdiisa tan iyo markii uu kaga soo biiray Lyon £ 8m bishii August 2012.
Qandaraaskii hore ee xididga xulka France ayaa dhacayay 2019, waxaana mushaar ahaan uu u qaadan jiray £ 80,000 toddobaadkii.
Sidookale Weeraryahanka kooxda Spurs Harry Kane ayaa heshiis cusub saxiixay horaantii bishan taasoo ka dhigan in Tottenham ay ceshatay ciyaaartooydeeda muhiimka ah.