Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Howlgallo gaar ah oo ka socda degaanada K/Galbeed

Baydhabo-RisaalaFM- Degaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ka socda Howlgallo lagula dagaalamayo ururka Al-shabaab, si guud ahaan looga saaro degaanada maamulkaa.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60-aad Ibraahim Aadan Yarow ayaa todobaadkan safaro shaqo waxa uu ku tagay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Bakool.

Ibraahim Aadan Yarow oo la hadlay warbaahinta ayaa ujeedka safarkiisa wuxuu ku sheegay in uu ahaa ogaanshaha xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bakool iyo sidii loogu dhiiragelin lahaa Howlgalada ay wadaan.

“Een mudo isbuuc ku dhow waxaan joognay degmada Xudur, degaano badan ayaan tagnay, urur geesiyaal ah ayaa jooga halkaasi, oo shaqeynaya AMISOM la’aan, howlgaladda lagu dagaalamayo Shabaab way sii socon doonaan.” Ayuu yiri Gen. Ibraahim.

Siid Muuse Maxamed (Ateera), Radio Risaala, Magaalada Baydhabo.

Exit mobile version