Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Howlgal laga sameeyay Wadajir

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa shalay gelinkii dambe ilaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay Howlgal gaar ah ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa ahaa mid gaar ah oo ay Ciidamadu ka sameyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Wadajir, waxaana Howlgalka xaafadaha laga sameeyay ka mid ah, Buulo-xuubey, Danwadaagta, Tiitiinley iyo kuwo kale, iyagoo dadka qaar ee xaafadaha Degan ay weydiinayeen su’aalo gaar ah oo Qofka la xiriira.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee qeybta ka aheyd Howlgalkan ayaa Risaala u sheegay in ujeedka Howlgalkan uu ahaa mid lagu sugayay amniga Degmada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen Dilal qorsheysan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay in Howlgalka lagu soo qab qabtay dad kor u dhaafaya 50 Qof oo u badan Dhalinyaro, isagoo intaa ku daray in dadka Howlgalkan lagu soo qab qabtay ay Ciidamadu Gawaarida shabaqlaha ah ay ku wateen si baaritaano loogu soo sameeyo.

Maalmihii udambeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka wadeen Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Exit mobile version